All Boocame Online

Labada maamul ee dhinacyada inaga xiga waa kelmed gefa.ninka ku hadaaqana waa nin aan gu jirin.

All boocmacame(columbus oh). Burburkii dawladii dhexe somaliya waxay bulshada somaliyeed ka dhaxashay mamul goboleedyo ku salaysan hayab sinjiyadeed(qabyalad). maamulkii hogu horeeyey ee lagu dhawaqayna waxa uuu ahaa kan somaliland.
somaliland.
si an u qeexno waxa micnheeduyahay somaliland  waxa haboon inaynu is waydiino su’aalahan soo socda. waxuu yahay maamulka somaliland?, maxaase loodhisay? yaase dhistay?
. dhismaha maamulka somaliland waxaa salidhig u ahaam reer shiikh isaaq,iyo jamhadoodii SNM.  in badan bay ku  taamayeey inay arkaan wax iyaga u gaara iyo xukun qosyku iska leeyahay.  figrada saldhiga u ah gooni isu taagooda waaxay u arkaan haday somali weyn dhexgalaan inaynan muuqanayn.sabata oo ah labada reer ee kale (daarood iyo hawiye) way ka badanyahiin. waxyaalaha ay taas ku xaqijiyeena waxa tusaale kuugu filan kelmeda WENLAWEYN. kelmedaasi waxay ku baxday doorashadii somaliya ka dhacday 1960, radiyow hargeysa ayaa waxuu sheegay in codbixintii ka dhacday magaalada HARGEYSA ay isugu soo baxeen dad aad u tira badan codkoodiina dhiibteen. dadka halkaa codkooda ka dhiibtay waxay tiradoodu dhamayd 64 kun oo qof. reer Hargeysa aad bay tiradaa ugu farxeen waayo meyfilayn in hargeysa xiligaa tiro intaas oo dad ah ku sugantay. waxayse aad ulla yaabeen ama ay la anfariireen  markii lasheegay degmada wenlaweyn gobolka shabeelada hoose katirsan dadkii ka cod bixiyey. tirada xiligaa wenlaweyn ka codbixisay waxay kor u dhaafaysay 90 kun oo qof. waa halka ay kubaxay inlayn reer konfureed oo dhan wenlaweyn bay ku dhasheen.intaas waa inta leyna maqashiiyeey, lakiin arintu intaa waa ka cuslayd. reer sheekh isxaaq malinta waxii ka danbeysay waxay xaqii jisteen inay aflibaax ku dhaceen. waxayna ogaadeen inay dawladnimdii iyo midayntii labda gobol ay ku qasaareen kuna talo xumaysteen. waxii xiligaa laga bilaabon waxaa ku jiray dareen gooni isu taaga. waxaa tusaale kuugu filan inqilaabkii xasan kayd dhacayna mudo yar dabadeed xoriyadii iyo midawgii labada gobol. inqilaabkaas u jeedadisu maahay in xukuumad markaa jirtay lagu bedelo. waxayse ahayd in lagu gooyo,  dawladna loogu dhiso waxii laysku oranjiray BRITISHSOMALILAND.
Hadaba haynu usoo laabano maduuceenii ahaa labada maamul. maamulka somaliland waa maamul uu iska leeyahay reerka layiraado reer sheekh isaaq,iyaagana dhistay una burburiyey somaliweyn si ay u helaan wax iyagu iska leeyihiin. ugudhowaana wey ku guuleysteen riyadoodii wakhtiga dheer soo jiitamaysay.haba waxa is weydiin leh maxay ka damceen dadka NON ISAQ ah dhulkana  wax ku leh.Marka aad wax mala awaalaysid waxa ugu fiican inaad cabir ka  qaadato waa waxii muuqda ama waxii qofkaasi afkiisa ka yiri.Haba hadaynu dib ugu noqono waxii ay reer sheekh isaaq afkooda   ka yiraadeen ama ay ficil ku muu jiyeen  20 kii sano ee ay somaliland ahaayeen iyo xiliyadii ka horeeyeyba waxa ugu waa weynaa.
  • madaxweynihii cigaal oo waliba lagu tilmaami jiray ninka goboladaa ugu waayo aragsan uguna aragtida dheer, malin BBC da laga waraysay lana weydiiyey su’aasha ah dadka kale dhulka ladegan waxa ay ka yeelayaan. waxuu ku jawaabey ” waa qiiqoo hawaday ku baaba ayaan.”
  • malinkale oo BBC da suaalo la weydiinayey qof maamulka hargeysa ka tirsan ayaa dhegeyste markaa bbcda ka soo wacayey Hargeysa waxa uu weydii su’aal udhignayd sidan” jaale wasiir maxaad ka damacdeen dadka  minortyga ah ee ina dexdegan sida HARTIGA iyo MIDGAHA.” ninkii markaa su’aashu ku socotay waxuu ku jawaabey “dadkaasi waa dad loo taliyo waxii aanuugutalino ayey ku gawracanyihiin” laxwaliba shilalkay is dhigto ayaa lagu qalaa inay harti iyo midgo simaan jawaabteedu waa mid is weydiin leh. goormaase Harti isaaq dhex deganaan jiray. ma iyagaa abti abtiyow iyo intayadii baa ku dhashay inagula degi jiray mise inagaa ladegi jirnay.
  • reer shiikh isaaq xiligii kacaankii waxaa halku dheg u ahaan jirtay daarood ha hadhaco, ee may oran jirin kacaanku hadhaco. waayo iyagu kacanka iyo darood isku si bay urkayeen.tusale saxiibkay oo xiligaa hargeysa iskuul ka dhiganaayey ayaa waxuu ii sheegay inay isaga iyo ardadiisii mudaharaad hargeysa ka dhacayey ka qabgaleen malin maalmaha kamida. waxyaalahaan ku dhawaaqaynay waxa kamida ahaa “darood ha dhaco”  xiligaas oo uu yaraa ma uuu garanayn waxay tahay micnaheedu balse markuu gurigii yimi ayaa abahii usharaxay arinta. halkaa ayuuna malintii ka bacdi uu san kaga qaybgelin mudaharaad danbe.waayo isaga laftiisa ayaa darood ahaa mana uusan ogayn in mudharaadku kusalaysanyahay qoys nacayb.
  • lascaanood waa magaalada keliya ee maanta bandoo saarantahay cariga somaliya oo dhan.taasi waxaan u malaynayaa ku filan bahdilid.
intaa waxa kuu dheer halku dhegyadii SNM xiligii ay dagaalamaysey weedhihii halhayska u ahaa waxa ka midahaa “hashaan gadaweynow libaax uga gaboon waayey,inan goraya cawl uga tagaa waxaan dhicine.” Gadaweynow libaax waa  gumaysigii,gorayduna waad garanaysaa. inkastoo kelmedu asalkeedii xabashi looga jeeday. hadana aadbay u isticmali jireen
puntland.
si aan waxa uga ogaano dhalashadii puntland waxa ma huraana in aa taariikhda dib ugu noqoqno..waxa markhaati madoona oo anigu usoo joogay qiyaastii march  1991waxaa magaalada kismaanyo isugu yimi in ka badan 120 odeyaal iyo dad aqoonleh  isugu jiray. dhamaantoodna reerka dhulbahante layiraado ayey ahaayeen . waxay kawada hadlayeen colaada wadanka ka taagan iyo waxii ay ka yeeli lahaayeen. xiligaa isaga ah waxa magaalada kismanyo ka jiray laba jamhadood SPM oo codka absame ku hadlay say iyo SSDF oo iyadu aan waxaan sheegasho kabadan ahayn. reerkii dhulbahante waxay talo ku gaadheen inay magaca SPM qaataan iyagoo markaa majeerteen ka cararayey.kalkaas waxa lagu gudoonsaday SPM iyo in waagu markuu beryo Ugaadeen loo tago loona sheego in maanta waxii ka danbeeyo hadaanu reerka dhulbahante layiraado aanu ku hawlgelayno magaca SPM. siadaas ayaa lagu kala seexday. waagu markuu beryay odayaashii iyagoo is urursanaya isuna urursanaya sidii ay ugaadeen u arki layeen ayaa magaaladii xabadi ka billaabatay. waxaana halmar nasoo galay ciidamo aad u hubaysan(silsilado dhaadhena jiidanay) iyo niman dhaadheer.nimankaasi waxay ku hadaaqayeen ABSAME  oo qaran ah ayaa HARTI gaagaab oo laan gaaba loogataag layahay. xabad bay roobka nooga dhigeen. waxayna nagulahaayeen cagaha dhulka ka qaada absamaa dhulka is ka lehe. sidaan dib ugu guranaynay aniga iyo odayaashii yaanu hal mar waxaan ku war helnay qolakaloo iyagana lasoo kiciyey halmar anagoo dhabarka isku hayna,xabaduna nagu wada socoto. markii ragii is warsadayna waxaan ogaaney in majeerteen yiin nimanka xabadu nagu wada socoto.malintaa waxii ka danbeeyey waxaa kismaanyo ka hanaqaaday magaca harti layiraado. odayaashii halkii ayey ku wada fadhiisteen. aniga laftaydu maalintaas ayaan ogaadey inaan HARTI ahay. maxaa halkaa kaa cad hartinimadu kuma iman chose waxay ahayd necessity.taas kow dheh. tan labaad laga soo bilaabo malintaa aan kor kusoo sheegnay waxaa jiray meelkastuu reerku joogay guux hartinino. dhinaca kale waxaan kaloo u soo joogay malin maalmaha ka mida markii xamar laga qaxayey  dagaaladuna ka socdeen. markaas anigu waxaan deganaa xafadii HODON ee muqdisho, waxaa nagusoo qaxay oday adeerkay ah oo  AFARTA JARDIINO deganaa. malintii danbe ayuu yiri waxaan u baahanay inaan gurigii iyo AFARTAJARDIINO ku noqdo alaab iyo hantina gurigii ka soo qaato. aniga iyo waxa raacnay labo wiil uu dhalay baabuur lama qaadankaroo waa lagaa dhacayaa. lug baanu ku baxnay.markaanu maranay iskuulkii HAWLWADAAG ayaanu waxaan lakulanay meel kaantaroola dadkana lagu kala saarayo. markiiba waxaa naloo sheegay in waxii daarooda lala baxayo. gaar ahaana reerka majeerteen layiraado nin naga horeeyey baa waxuu yiri markii la wediiyey qabiilkiisa dhulbahantaan ayahay, ninkii markaa su’aasha weydiinayey baa ninkii siidaayey,markuu dhaqaaqay ayaa midkale kusoo dhegey oo yiri  dhulbante sow harti maaha. ninkii sidii baa lagu kaxaystay.anagoo dhimasho udiyaargaronay ayaa ilaahay amarkii odaygii adeerkay oo gabadh habar gidira qabay aqoon saday seedigii oo raga kontorolka joogay kamida ahaa. isagaa markaa meeshii naga saaray.lakiin ragkaloo meesha marayaey oo daarood ahaa meeshii baa lagula hadhay.guuxaa harti nimo aan doorashada  hayn ee khasabka ah midhihii ka soobaxay waxay noqotay puntland.
waxa intaa dheer dadbadan ayaa waxay ku doodan hartigani xaguu ka yimi weligayo maan maqale. waxaa jira dhowr sababood oo daciifisay inuu shaqeeyo magaca hartigu.
  1. Guumaystihii dhulkeena qabsaday ka hor hartinimadu si fiican ayey  ushaqaqaynaysay. waxaana markhaati cad u ah.waxa jira book uu qoray nin ingiriisa oo saqayn jiray indian ocean co, buuga waxa laqorya 1849. magaca buuga waxa layiraadaa IIDOOR and DAAROOD. waxa jirtay in ninkaasi warqad usoo qortay isagoo cadan jooga nin la aronjirayGARAAD MOHAMED CASE oo ahaa ina GARAAD ALI XARAAN, weydiistayna in uu u ogolaado  inuu dhulka yimaado si uu ula kulmo. boqortooyadii ingiriiska waxa caado u ahayd xiligaas dhulka ay rabto inay gumaysato ka hor intanay iman waxay usoo diri jirtay dad wax ka qora, dadka meesha degan dhaqankooda iyo tiradooda iyo nooca ay yihiin. garaad mohamed case markii warqadii soo gaadhay, isla markiiba go’aan kama gaarin. waxuu fariin ukala diray garaad cali, boqorkii majeerteen iyo suldaankii warsangeli. markii uu helay jawaabtoodii ogolansha ahayd, ayuu ninkii (INGRISKA)jawaab ku celiyey, una sheegay inuu iman karo.hadaba xiligii uu gumaystahu dhulka qabsaday isagoo siyaasadiisa QAYBI OO XUKUM saldig u ahayd ayuu labo dawladood inaku kala daray.taas waxay ku tusaysaa in hartigu gumaysiga hortii talo waxku oolahi dhex mari jirtay.
2-Imanaanshihii SAYID MOHAMED CABDULE XASSAN. sayid ka oo waranka dhicwalba u riday isaguna qaybuu ka ahaa kala fogaanshaha harti.waayo bulshadii harti ee markaa dhulka ku nooleyd colaad xasuuq baa dhexmartay.
3-kacaankii bakaysnaa isaguna qaybuu ka ahaa waayo waxaan kala ahayn     mucaarad iyo mu ayid.
GUNTII IYO GEBAGEBADII.
maalmahan  waxaa ku soo siyaaday saxada siyaasada u haqantaag dawalad ugaara dhulbahante iyo dhismaheeda qaarkalena runtii sheegteen magacyo.iyadoo dadbadini ku eedaynayaan Puntland inay gabtay waxii loo dhistay. xaqiiqdii arintu sidaa maaha.dhulbahante talo xumo iyo dano gaarahaaneed ayuu dhulkuusu ku maqnyahay. geel ninkii lahaa dhacayo cidina celin karimayso. hunkuri iyo anagana baa halkaa ina marinaaya. markaad dadka dhexmartid waxaad maqlaysaa ina hebel waa somaliland oo 300 boqol oo reer hebla ayuu ku mushar qaataa. dhulkeena inagaa iibinay yaynaan cidna wax ka saarin. inagaa isu wada jeedana. hadana taladu weli wey inaga wareersatahay.
. taladu waa mid waxii kale oo aan qabanaa waa shimbarowyaow heesa. looma baahana inaan dhisno maamul XIMAN IYO XEEBA, waxaynu u baahnay inaan wada fadhiisino si an isaga saarnona tuhunka iyo waswaskana iska jaahilbixino. una wada hadalno, si mugleh si aan u saxno qalado badan oo is dulfuulay.Uma baahnin saynisyahao, siyaasiyiin iyo niman PHD wata. waxaynu ubaahanay 20 oday oo in kooreeye iyo ina idhotaag oo miidhana, garanayana dadku siday isu saranyahiin iyo sidii ay wax u qaybsanlahaayeen’kana fekeraya mustaqbalka jiilka soo socda, oo arinta si mugleh uga daadegaya.markaynu teena dhamaysono inagoo isku cod ku wada hadlayna aynu tolkeen har fadhiisano. kadibna aynu garnaqsano.inagoo kala garanayna waxa aynu doonayno iyo waxa aynu nahay, halkaa waxii kadanbeeya aynu lascaanood xoreynteeda u qalab qaadano. MIDINA WAA  MIHIIM INAAN YEELANO WAXAAN OGNAHAY IN ISAAQ QADIYADIISU TAHAY DAWLAD REER SHEEKH ISAAQ INAY MARUUN ARKAAN.HAWIYANA INA QADIYADIISU TAHAY KOR HOS WAX WALBOO DHACA WAA INAAN SOMALIYA ANAGU UTALINAA HADII TAALAWAAYANA WAA INAAN CIDI ISU IMAN . OKEY. HABA INAGA QADIYADEENU MAXAY TAHAY?. QADIYADAYDU ANIGA SHAQSI AHAAN WAXAY TAHAY , HADAAN WAAYEY DAWLAD SOMALIYEED,HADAAN WAAYEY MID DAAROOD,MIYAANA XAQ ULAHAYN, INAAN KU FARO ADEYGO TAN HARTIYEED EE MAANTA GACANTA KU HAYO. ADUUNYO WAXAY NOQONDOONTO MA OGINE( MUS IYO DADBA HADAD FAADHFAADHO WAXAADAN FIALYN BAA KAAGA SOOBAXA.)tan kale ninka maanta u tafaxaytay inuu burburiyo waxii dadka kadhaxeeyow(PUNTLAND) horta waxaad kala kaxaynaysaa waa siciid harti iyo mohamed harti,iyo warsangeli (IWM) waxa aad maanta igu beer jilecsanaysaa waa habeen aan iska xigo mohamed harti. hadaanbakaa  taada yar ee gaaban (ximan iyo xeeba) yaa masuul kaanoqonya inaad arinta ku haynaysid siciid harti (dhulbahante)sow markaad tana iska dhexweydo(macmacankii)sow  berito hadana belakale balag kuu luuli mayso.oo intaad mackale labaxdid (jiniland) sow qarkaa isa soo taagi maysid?waa xagee xuduudaadu? xageebad ku dhamaataa sidada banaba? mase leedahay wax u jeeda ah oo ka baxsan hayada xoogaaga lacagta laga helo. nacnacda faroolena dhegeysan maayo. halkan waxaan ku sugayaa inta uu imanyo nin layiraado KALA HAGAAJE , INA COLAAD KU HAGOOGTE, AWOOGIISNA AHAA  KALA HAGE.  . somalidu waxay ku maahmadaa “nin hooyadii ka guuray ayadii uma negaado”
khaatumo 2 waxaan rajeynayaa in arimaha si miyir ku jiro mugna leh loo eegi doono insha alla. ilaaheen talada roon ha ina waa fajiyo.

afnugal68@Gmail.com
w

2 Comments for “Labada maamul ee dhinacyada inaga xiga waa kelmed gefa.ninka ku hadaaqana waa nin aan gu jirin.”

  1. khadija ibrahin hassan

    afnugaaloow ina adeer waan akhriyey qoraalkaagii aadka u dheeraa balse waxaan ku mergadey markaad tiri Putlan aan ka tirsanaano oo aad ogtahay
    iney diideen inaanu la dagaalano isaaq oo ay yiraahdeen wey isku kaaya dirayaan ee aan iska saarno isaaqna ay yiraahdeen dhankii ka soo weerara anagan dhakayaga ayaanu ka soo weerareynaa marka ina adeeroow maxay natartey Hartinimadii mise waa marka leynoo baahan yahay ileyn Kismaayo waxaa harti naloo lahaa weynu garaneynaaye waa dagaalka gallay iyaguna dib bey isu dhigi jireen ragii Furinta fadhiyeyna dhulbahantey ahyeene ma marka leynagu awrkacsanayo, marka ina adeeroow aan iska ilowno horaan ugu habsaaney oo 4 sanadood ayaa lascaanood laheystey dana kama laha markaa maxaad noodaba wadaa maan ilowno oo aan isku tashano?

  2. Tallo xumada iyo maskax yarantanta waa mid aad caan ku tihin daarood ahaan dhamaantin ama harti la bax ama ama ciil la bax. Hadi aad somaliland diidan inaad ka mid noqotaan oo hadhsatan calanka barakaysan ee tawxiidka leh waydun noolan hadi kale waxad noqon dugaag dabada meraya an meelna ku tirsanay laa somaliland wala putland wala somalia.dantinu wa inaad gacmaha taagtan oo ayar forarsatan calaacalkana dhaaftaan.isaaq hadu daror ka yaryahay tiro ahan wax dhib oo ku jiro malaha wana alla mahadi lkn waxa lagugu dhafay wayo arragnimo.cilmi dhabo.daacadnimo.wadaninimo.kala dambayn.ismaqal.khibrad.wada tashi.,..,.dantadu waa adoo dayrka cagaran so gala dhafana dabad ka heeska sida siil cali warse.

You must be logged in to post a comment Login

Log in | Designed by Mohamedia